Back to Blog
Business Systems5 min read

Digital Management systemes

Digital Management systemes

Waa Maxay Management System?

Hordhac

Dunida maanta ee ganacsiga iyo teknolojiyadda, Management Systems (MS) ayaa noqday laf-dhabarta hawl maalmeedka shirkadaha, hay’adaha, iyo ururada. Nidaamyadani waxay ka caawinayaan ururada inay si habsami leh u maareeyaan shaqada, xogta, shaqaalaha, iyo go’aamada istiraatiijiga ah.

Management Systems casriga ah waxaa lagu gartaa:

Automation – shaqooyin badan oo otomaatig ah

Data-driven decision making – go’aanno ku saleysan xog sax ah

Cloud-based access – xog laga heli karo meelkasta

Integration – isku xirka nidaamyada kala duwan ee ururka

1. ERP (Enterprise Resource Planning)

Maxay tahay?

ERP waa nidaam isku dhafan oo u oggolaanaya shirkaduhu inay si wadajir ah u maareeyaan hawlo badan sida: maaliyadda, sahayda, iibka, HR, iyo wax soo saarka.

Faa’iidooyinka:

Hal meel oo xogta shirkadda oo dhan laga maamulo

Go’aanno degdeg ah oo xog ku saleysan

Waqti badbaadin iyo yareynta khaladaadka

Tusaale: SAP, Oracle NetSuite, Microsoft Dynamics

2. CRM (Customer Relationship Management)

Maxay tahay?

CRM waa nidaam diiradda saaraya xiriirka macaamiisha. Waxay ka caawisaa shirkadaha inay la socdaan macluumaadka macaamiisha, iibka, iyo adeegyada la bixiyo.

Faa’iidooyinka:

Xoojinta xiriirka macaamiisha

Kororka iibka iyo daacadnimada macaamiisha

Dabagal fudud oo ku saabsan taariikhda macaamiisha

Tusaale: Salesforce, HubSpot, Zoho CRM

3. HRMS / HCM (Human Resource Management System / Human Capital Management)

Maxay tahay?

Nidaamyadani waxay ka caawiyaan shirkadaha inay maareeyaan shaqaalaha, mushaharka, fasaxyada, iyo tababarrada.

Faa’iidooyinka:

Maareynta shaqaalaha si hufan

Mushahar iyo fasax otomaatig ah

La socoshada waxqabadka shaqaalaha

Tusaale: Workday, BambooHR, SAP SuccessFactors

4. Project Management Systems

Maxay tahay?

Nidaamyadani waxay ka caawiyaan kooxaha inay qorsheeyaan, daba-galaan, oo ay fuliyaan mashruucyada si waqtigooda iyo kheyraadkooda loogu isticmaalo si hufan.

Faa’iidooyinka:

Kordhinta wax soo saarka

La socoshada horumarka mashruuca

Iskaashi fudud oo kooxeed

Tusaale: Asana, Trello, Monday.com, Jira

5. Supply Chain Management (SCM)

Maxay tahay?

SCM waa nidaam lagu maareeyo sahayda, alaabada, iyo adeegyada si hufan, laga bilaabo soo saarista ilaa macaamiisha.

Faa’iidooyinka:

Yareynta kharashka

Hufnaanta iyo dhakhso la socoshada sahayda

Ka hortagga baahida iyo alaab dhimis

Tusaale: SAP SCM, Oracle SCM, Kinaxis

6. Business Intelligence (BI) Systems

Maxay tahay?

BI Systems waxay ururada ka caawiyaan inay falanqeeyaan xogta si ay u sameeyaan go’aanno sax ah.

Faa’iidooyinka:

Falanqayn xog qoto dheer

Aragtida suuqa iyo ganacsiga

Go’aanno degdeg ah oo sax ah

Tusaale: Power BI, Tableau, QlikView

Share this article

Interested in these solutions?

Get in Touch